SO | EN

SO | EN

War cusub oo kasoo kordhay bannaanbixii beri ka dhici lahaa Magaalada Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV) –Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid bannaanbax weyn oo siyaasiyiinta mucaaradka qorsheeeyeen in uu ka dhaco magaalada Muqdisho , kaa oo looga soo horjeysan lahaa dhul boobka dowladda ka wado Muqdisho.

Kulan saacado badan qaatay oo hotelka Jasiira ee Muqdisho ku yeesheen taliyaasha Booliiska iyo Nabbadsugidda oo matalayay dhinaca dowladda iyo xubno katirsan Madasha Wadatashiga , ayaa la isku raacay in dib loo dhigo dibadbixii beri dhici lahaa.

Xubnaha wadahadalka yeeshay ee kala matalayay dowladda iyo mucaaradka ayaana isku raacay labadan qodib

1. In dib loo dhigo bannaanbaxii, isla markaana la magacaabo gudi ka kooban afar xubnood oo si wadajir ah uga shaqeeya habsami u qabsoomidda iyo goobta lagu qabanayo.

2. In aan magaalada lagu dhex wadan karin hubka waaweyn, halka gaadiidka (Cabdi-Bileyaasha) ay wataan xubnaha mucaaradka la diiwaangelin doono.

Waa markii labaad uu baaqanayo dibadbaxyadii mucaaradka ku baaqeen, lamana oga ilaa hadda in uu qabsoomi doono dibadbaxyada ay dadka Muqdisho ugu baaqeen in ay isugu soo baxaan, si ay uga dhiidhiyaan dhul boobka dowladda wado.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News