SO | EN

SO | EN

War Murtiyeed ka soo baxay shirkii Wadatashiga DF & Madaxdii hore

|

Muqdisho (KAAB) – Waaxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulanka Wadatashiga ee u dhaxeeyay dowladda  uu hoggaaminayo Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud,  madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.

Shirka oo socday muddo labo cisho ah ayaa qodobadii looga hadlay waxa ay u badnaayeen arrimaha masiiriga ee dalka, gaar ahaan heshiisyada ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana ka mid ahaa qodobadii talooyinka laga dhiibtay ku saabsanaa heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaranka.

1. Nuuca doorashada ee dalka.

2  Nidaamka Madaxtinimada ee dalka.

3. Nidaamka xisbiyada badan

4. Guddiga doorashada Qaranka

5. Mideynta muddo xileedka Hay’adaha Federaalka iyo kuwa dowladd goboleedyada

6. Habraaca dhameystirka iyo dib u eegista Dastuurka KMG ah

Kulanka waxaa lagu bogaadiyey Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada dalka looga ciribtirayo Al-Shabaab iyo guulaha laga gaaray, waxaana lagu baaqay in loo midoobo la dagaallanka argagixisada nuuc waliba oo ay tahay.

Kulanka waxaa kaloo lagu bogaadiyey dadaallada dowladda ee deyn cafinta iyo dhameystirka hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya iyo in ciidamada Qaranka ay si buuxdo ula wareegaan amniga

Kulanka waxa uu bogaadiyey doodaha dhameystirka dowlad dhiska Soomaaliya ee soo socday, waxaana uu dareen ka muujiyey ka maqnaanshiyaha Puntland ee Wadatashiga arrimaha masiiriga, waxaana lagu baaqay in ay muhiimtahay ka qeybgalka.

Shirka galabta lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa noqon doonin kii ugu dambeeyay oo looga tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, waxaana jiri doona kulamo kale oo nuucaani oo kale ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News