Hargeysa (Kaab TV) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Soomaaliland Feysal Cali Waraabe ayaa war qoraal ah uu soo saaray ugu jawaabay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shalay si ween Soomaaliland ugu cambaareyay dagaalka Laascaanood.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Soomaaliland ku eedeeyay in ay gabood falo ka geysatay magaalada Laascaanood waxaana uu tilmaamay in aan lagu qasbi karin shacabka wax aysan rabin sida uu hadalka udhigay.
Faramaajo wuu saxnaa markii uu isku dayay in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waa nacas xun ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ah nin aad unaqdiya siyaasiyiinta kasoo jeedo koonfurta Soomaaliya ayaa inta badan weeraro afka ah kuqaada dowladda federaalka iyo reer Muqdisho.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay Laascaanood kuma eka ee beelihii kale way cabanayaan, muddo xileedka Biixina waa dhamaaday, isfaham la’aan isaga iyo mucaaradka ka dhex taagan, ismadii xalka keeni jirayna maleh.
Somaliland waxaa ku dhacay gaboodfal magac dawladeed loogu geestay, ka dibna gooni isku taag ayey xal u arkeen. Sidoo kale reer Laascaanood gaboodfalo u geystay maamulka Somaliland, waxayna doonayaan midnimo Soomaaliyeed. Haddii aan midnimo Soomaaliya lagu qasbi karin Somaliland, sidee Laascaanood midnimo Somaliland loogu qasbayaa?” ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur.