Kismaayo (KAAB ) – Waxaa lafilayaa in maanta madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in ay gaaraan degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Sidoo kale qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa siween ugu socota degmada Luuq, waxaana halkaasi goor sii horeysay sii gaaray masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Jubbaland.
Dhanka kale madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la qaato maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku sugan degmada Luuq.
Hasayeeshee, maamulka hada ka jira degmada Luuq ayaa taageeray maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe, waxa ayna masuuliyiinta maamulka sheegeen in ay la shaqeenayaan maamulka cusub ee Gedo loo soo magacaabay.
Gobolka Gedo degmooyinkiisa kale ayaa wali diidan in ay la shaqeeyaan maamulka Jubbaland, waxaana horey qaar kamid ah degmooyinka Gedo loogu diiday in ay tagaan masuuliyiin gobolka Gedo u magacaabay Axmed Madoobe.