Aboorey (KAAB TV) – Duqeymo xooggan ayaa laga soo warinayaa deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ay bartilmaameedsadeen fariisimo muhiim ah oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay weeraradaas.
Dagaal culus oo socday saacado badan ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Aboorey, iyadoo ay iska horimaadyo toos ah dhexmareen ciidanka milateriga Soomaaliya iyo Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa howlgallo ballaaran ka wada tuullooyinka hoos yimaada Aboorey, si ay u adkeeyaan gacan ku haynta deegaankan muhiimka ah oo istaraatiiji u ah dagaalka ka dhanka ah AS.