SO | EN

SO | EN

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay oo sheegaya in qarax lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah

|

Baydhabo (KAAB TV) -Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo ciidamada Itoobiya lagula eegtay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Qaraxa oo dhacay xalay ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

 

Qaraxan oo loo malaynayo inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa si toos ah haleelay mid ka mid ah baabuurta kolonyada ciidamada Itoobiya oo ku socdaalayay duleedka magaalada sida ay wararku sheegayaan.

 

Labo askari ayaa la sheegay in ay dhinteen, halka qaar kalena ay dhaawacmeen. Gaariga la beegsaday ayaa waxaa soo gaaray burbur xooggan, waxaana markii dambe ciidamada ay faarujiyeen goobta.

 

Ilaa saaka xaalada ayaa degan, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

 

Dhanka kale, Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay inay ka dambeysay weerarkaas, iyagoo sheegay inay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya, isla markaana howlgalka uu u dhacay sidii loogu talogalay.

 

Inkastoo guud ahaan magaalada Baydhabo ay muddooyinkan dambe xasillooni ka jirtay, haddana deegaannada ku xeeran waxaa weli ka dhacaya weeraro iyo dagaallo xilliyada qaar oo ay ku lug leeyihiin xoogagga Al-shabaab.

Dhowaan ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Burjeed oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Deynuunaay ee gobolka Baay, halkaasi oo fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Khasaaro xooggan ayaa Al-Shabaab kasoo gaaray dagaalkaas, waxaana lagu dilay qaar badan oo kamid ah dagaalyahanadooda. Meydkooda ayaa markii dambe la keenay magaalada Baydhabo, halkaasoo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan oo daawanayay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News