MUQDISHO (KAAB TV) – Xiisad ayaa la soo sheegayaa iney ilaa hada ka taagan tahay xarunta taliska ciidamada ATMIS ee Xalane ka dib markii ay ka dhaceen labo dil oo isxigay.
Dilka hore ayaa yimid ka dib markii nin shacab ah uu toorey ku dilay askari ka tirsan ciidamada ATMIS oo ka yimid Ugandha kaasoo ku sugnaa Kontrol ku yaalla albaabka Xalane, askariga la dilay iyo ninka shacabka ah ayaa la sheegay iney markii hore is af dhaafeen.
Dhanka kale, Ciidamada Ugandha ee goobta ku sugnaa ayaa la sheegay iney isla goobta ku dileen ninka tooreyda ku hubeysnaa kaasoo isla goobta ku geeriyooday.
Waxaa goobta soo buuxiyey ciidamo fara badan oo ka tirsan ATMIS kuwaasoo xiray goobta, isla markaana joojiyey dhaqdhaqaaqii ka jiray goobtaas.
Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaan illaa hadda war ka soo saarin dilalka iyo shaqaaqada ka dhacay albaabka laga galo xarunta ATMIS.