SO | EN

SO | EN

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud

|

Dhusamareeb (KAAB TV) -Dagaal beeleed ka dhacay gobolka Galgaduud ayaa sababay khasaare kala duwan .
Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen iska horimaadkan oo ka dhacay deegaanka Ceel Barafange oo ku dhow magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ahaa labo maleeshiyo beeleed oo kasoo jeeda bariga Galgaduud. Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa loo kala qaaday Guriceel iyo Dhuusamareeb si loogu daweeyo.

Colaadan ayaa qeyb ka ah dagaal beeleedyada ku soo noq noqday gobolada Galgaduud iyo Mudug, kuwaasi oo inta badan ka dhasha khasaare naf iyo maalba leh.

Maamulka Galmudug ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalka ka dhacay Ceel Barafange.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News