SO | EN

SO | EN

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal beeleed ka dhacay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

|

Baladweyne (KAAB TV) -Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkaan ayaa ah mid u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda beelaha Xawaadle iyo Abgaal, wuxuuna si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Calaag oo ku yaala xadka ay wadaagaan labada gobol.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo dagaalka ayaa lasoo sheegaya inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee wali si rasmi ah loo xaqiijin inta uu dhan yahay khasaaraha dhabta ah, dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Calaag oo la sheegay inuu salka ku haayo murun ka dhashay dul daaqimeed halkaasi ku yaala oo labada beelood u dhaxeeya.

Xaalada deegaanka lagu dagaalamay ayaa wali ah mid aad u kacsan waxaana lasoo warinaya inay wali is horfadhiyaan labada maleeshiyo, waxaana dagaalkaan dib uga dhex qarxay labadaan beelood uu kusoo aadaya, iyadoo dhowr jeer horay ugu dagaalameen labadaan beelood deegaano ku yaala xadka ay wadaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Bishii lasoo dhaafay ee Decembar 2024 ayay aheyd markii colaada u dhaxeysa beelaahaan dartood loogu dilay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka oo kasoo jeeday dhalasho ahaan beesha Xawaadle, taasoo aheyd dhacdadii ugu xumeyd ee dagaalada Sokeeye sababeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News