SO | EN

SO | EN

Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed maanta markle dib uga qarxay degmada Qoryooleey

|

Qoryooleey (KAAB TV) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo mar kale maanta dib uga qarxay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Sidoo kale, dagaalkan ayaa lasoo warinaayaa in uu salka ku hayo colaad ka dhex taagan beelaha Garre iyo Jiide oo horay isugu gaystay dilal salka ku haya aanooyin qabiil.

Wararka ayaa waxa ay intaas kudarayaan in dagaalka uu kusii fiday xaafad horleh oo ka tirsan magaalada, waxaana jira khasaare leh dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dhanka kale, qaar kamid ah dadka deegaanka oo goordhoweyd lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhowaan gudaha degmada Qoryooley lagu dhex dilay afar qofood dagaalkaana uu dabo socdo afartii qofood ee lagu dilay halkaasi.

Dagaalkan ayaa waxaa lasoo warinaayaa in uu saameyn kuyeeshay guud ahaanba isku socodka gaadiidka iyo goobaha ganacsiga.

Majiro ilaa hada wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Qoryooleey oo ku aadan dagaal beeleedkan maanta markale dib ugu qarxay halkaasi.

Ugudambeyn, Shabeelaha Hoose ayaa waxaa kusoo laa laab laabtay dagaal beeleedyada, waxaana xiisaddan mid lamid ah ay ka taagan tahay degmada Wanlawayn ee gobolkaasi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News