Laascaanood (Kaab TV) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa lagu soo waramayaa in haatan dagaal culus uu ka socdo , kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo.
Sidoo kale dagaalka ayaa lasheegayaa inuu xoogiisa ka socdo magaalada Laascaanood oo ay maalmihii u dambeeyay isku horfadhiyeen ciidamada milateriga Soomaaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC Khaatumo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu ka dhashay weerar ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa SSC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku bilowday dagaalka oo illaa haatan ka socda magaalada Laascaanood.
Ciidanka Somaliland ee weerarka soo qaaday ayaa iska caabin kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan furinta hore ee dagaalka.
Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in haatan xaalada ey tahay mid aad u kacsan, waxaana lasoo sheegayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.
Waxaa ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, sida laga soo xigtay qaar kamid ah dadka deegaanka.
Dhawaan ayey aheyd markii bayaan kasoo baxay golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu baaqay Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.