Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo kadhacay dowlad deegaanka Soomaalida

|

JIG-JIGA (KAAB TV) – Dowlad degaanka Soomaalida ayaa lagu soo waramayaa in uu dagaal culus uu ka dhacay  xerada barakacayaasha Qollaji ee degaanka Soomaalida, dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidamada degaanka Soomaalida iyo Ciidamada Oromiya.

Sidoo kale, dagaalkan oo socday saacado badan ayaa waxa uu ku fiday goobo ay kamid yihiin buurta dhinaca ka xigta Qollaji, jidka laamida dhinaca xigta degaanka Oromiya iyo goobo kale, waxaana lasoo sheegayaa in dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah ay jiraan, inkastoo ay adag tahay sida lagu helo warar madax banaan oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan maanta, waxaa sidoo kale xidhan isu socodkii Baabili ilaa Jigjiga.

Sida dad goob joogayaal ah u sheegeen Warbaahinta dagaalkan ayaa billowday, kaddib markii ay Ciidamada Oromiya weerar kusoo qaadeen bar kantarool oo Soomaalidu leedahay oo ku yaal duleedka xerada barakacayaasha Qollaji, halkaas oo dhawaan xukuumadda degaanka Soomaalidu ka samaysay bar kantarool oo Jaadka degaanka soo galaya lagu canshuuro.

Dhanka kale, dagaalkan ayaa wararku sheegayaan in  uu daba socday barta kantarool ee Soomaalidu dhawaan ka samaysay duleedka xerada barakacayaasha Qollaji ee degaanka Soomaalida halkaas oo ay ka cadhoodeen Oromadu, waxayna maalmo ka hor Oromadu dhinacooda soo rareen oo ay kusoo dhaweeyeen Qollaji bar kantarool oo kale oo iyagu leeyihiin taas oo horey ugu taallay duleedka magaalada Baabili.

Dhinaca kale wararka sheegaya in Ciidamada Millitariga Itoobiya ay galinkii dambe soo kala dhex galeen labadii Ciidan ee Soomaalida iyo Oromada ee dagaalku ku dhexmaray duleedka xerada barakacayaasha Qollaji ee degaanka Soomaalida, waxayna wararku sheegayaan in dagaalkii uu hadda istaagay iyadoo sidoo kale la furay jidkii dhex marayay Qollaji ee u xidhnaa dagaalkii maanta.

Qollaji ayaa waxaa deggan dad barakacayaal ah oo Soomaali ah, kuwaas oo kasoo barakacayay colaadihii kala duwanaa ee horey usoo dhex maray Soomaalida iyo Canfarta, waxayna goobtani salka ku haysaa buuraha waawayn ee ay caanka ku tahay degaanka Baabili.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News