Addis Ababa (KAAB TV) – Xaalada magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa u muuqata mid sii xumaanaysa oo faraha kasii baxaysa muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana falal amni darro iyo dagaalo sokeeye ka socdaan qaar kamid ah gobolada dalkaasi.
Sidoo kale, dagaal dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay ka dhacay gudaha magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, dagaalka ayaana u dhaxeeyay xubno katirsan jabhada hubeysan ee Fano iyo ciidamada ammaanka Itoobiya.
Dhanka kale, booliiska magaalada Addis Ababa ayaa war ay soo saareen ku sheegay in dagaalka dhacay ay ku dhinteen saddex qof, waxa ayna tilmaameen in dadka dhintay labo kamid ah katirsanaayeen jabhada Fano, halka qofka kalana uu ahaa shacab.
Dagaalka ayey sidoo kale booliiska magaalada Addis Ababa ku sheegeen in ay ku dhaawacmeen labo askari oo katirsanaa ciidamada ammaanka, waxa ayna xuseen in hadda socdaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.
Jabhada hubeysan ee Fano ayaa inta badan ka howlgasha gobolka Amxaarada Itoobiya, waxa ayna jabhadan dagaal xooggan la gashay ciidamada Federaalka ee dowladda Itoobiya, iyagoona ka saaray ciidamada deegaanno badan oo katirsan gobolkaasi.