SO | EN

SO | EN

Dagaal culus oo ka socda Magaalada Baraawe

|

Muqdisho (Kaab TV) – Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa la sheegayaa in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Millateriga dowladda federaalka Soomaaliya oo u kala qeybsan hab qabiil.

Dagaalka oo leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo uu kujiro hubka culus ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada dagaalamaya ay yihiin kuwo u abaabulan hab Beeleed.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Baraawe laga dareemayay xiisad u dhaxeeysa Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo dhawaan laga qaaday Baydhabo iyo kuwa Millateriga ee weligood ku sugnaa degmadaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana xiran inta badan Goobaha Ganacsiga Magaalada Baraawe.

Ugu yaraan saddex askari ayaa kudhimtay tiro intaas kabadana wey kudhaawacmeen kadib markii labo ciidan oo kawada tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milateriga ey kuwada dagaalameen magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur galbeed.

Sidoo kale waxaa lasheegayaa in ey dad shacab ah ey waxyeelo kasoo gaartay dagaalkaas iyadoo ey rasaas ugu tagtay guryohooda, iyadoo aad looga deyrinayo xaaladooda caafimaad.

Baryihii lasoo dhaafay magaalada Baraawe waxaa ka taagneed xiisad udhexeyso ciidanka dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad deegaanka ah taas oo salka ku heyso hab maamulka gobolka iyo deegaano katirsan Koonfurgalbeed, gaar ahaan awood qeybsiga beelaha, sidoo kale wuxuu buuq kataagaan hab maamulka maaliyadda gobolka iyadoo inta badan dadka ey diidanaayeen kadib markii in maamulka Koonfurgalbeed beel ahaan uu saamigooda siyaasadeed uu daaganka uga diiday.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News