QAAHIRA (KAAB TV) – Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya wadahadalada xabad joojinta Gaza ee Qaahira iyadoo warbaahinta Masar ay soo tebisay “horumar la taaban karo”, laakiin saraakiisha Xamaas ayaa sheegay in Israa’iil ay sii wadato diidmada dalabkeeda.
Falastiiniyiinta ayaa dib ugu laabtay guryihii burburay ee Khan Younis iyadoo inta badan ciidamada Israa’iil ay isaga baxeen bilo ka dib markii ay galeen magaalada koonfurta Gaza.
Wasiirka difaaca Israel Yoav Gallant ayaa sheegay in ciidamada Israel ee ka baxay Gaza Axadii ay sidaas u sameeyeen si ay ugu diyaar garoobaan hawlgalo mustaqbalka ah oo ay ku jirto koonfurta magaalada Rafah.
Ugu yaraan 33,175 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 75,886 kalana waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.
Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay taliye ka tirsan Xisbullah, xilli diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen tuulada As-Sultaniyah.
Milateriga Israa’iil ayaa taliyaha magaciisa ku sheegay Cali Axmad Xuseen, waxayna sheegeen in uu mas’uul ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarrada ka dhanka ah Israa’iiliyiinta. Taliyaha ayaa ka mid ahaa Xoogaga Radwan ee Hezbollah.
Hezbollah ayaa soo saartay ogaysiis tacsi ah oo loo samaynayo Xuseen. Weerarka ayaa sidoo kale lagu dilay laba qof oo kale, militariga Israa’iil iyo laba ilo ammaanka Lubnaan ayaa sheegay.
Hezbollah iyo militariga Israa’iil ayaa isku weydaarsaday rasaas guud ahaan soohdinta koonfureed ee Lubnaan taas oo barbar socota dagaalka Gaza, taas oo sii kordhinaysa cabsida laga qabo isku dhac gobolka oo ballaaran.