SO | EN

SO | EN

Wararkii ugu dambeeyay dhulgariir kudhuftay markale dalka Morocco

|

Marocco (KAAB TV) – Shacabka ku nool Morocco qaarkood ayaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah seexday waddooyinka magaalada Marrakech iyadoo askarta iyo kooxaha gargaarka caalamiga ah oo wata gawaarida waaweyn iyo dayuuradaha qumaatiga u kaca ay bilaabeen inay ku sii qulqulaan magaalooyinka buuraha fogfog ee uu sida daran u saameeyay dhulgariirkii taariikhiga ahaa ee ku dhuftay.

Sidoo kale, masiibadan ayaa dishay in ka badan 2,100 qof – iyadoo tirada dhimashada la filayo inay kor u kacdo – Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in 300,000 oo qof ay saameeyeen dhulgariirkaas oo cabirkiisu ahaa 6.8 habeenkii Jimcaha.

Dhanka kale, Iyadoo ay jiraan dalabyo ka imaanaya dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Faransiiska, mas’uuliyiinta Morocco ayaa Axaddii sheegay inay aqbaleen gargaarka caalamiga ah afar waddan oo keliya: Spain, Qatar, Britain iyo Imaaraadka Carabta.

“Mas’uuliyiinta Morocco waxay si taxadar leh u qiimeeyeen baahiyaha goobta, iyaga oo maskaxda ku haya in isku-dubbarid la’aanta kiisaskan oo kale ay noqon doonto mid aan faa’iido lahayn,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha.

Qaar ka mid ah kooxaha gurmadka iyo samatabbixinta ee ajnabiga ah ayaa yimid Axadii.

“Waan ognahay inay jirto degdeg weyn oo lagu badbaadinayo dadka oo lagu hoos qodo haraaga dhismayaasha,” ayuu yiri Arnaud Fraisse, oo ah aasaasaha Samatabbixiyeyaasha Aan Xuduudda Lahayn, oo lahaa koox ku xayiran Paris “Waxaa jira dad ku hoos dhimanaya burburka, mana sameyn karno wax aan ku badbaadino.”ayuu intaas ku daray

“Waa masiibo,” ayuu yiri Salah Ancheu, oo 28 jir ah, “Ma garanayno waxa mustaqbalku yahay. Gargaarka ayaa weli ah mid aan ku filneyn.”ayuu intaas ku daray.

Dadka deegaanka ayaa burburiyay wadada dheer ee magaalada soo gasha, waxaana dadka ay ku farxeen markii ay soo gaareen gawaari ay ka buuxaan ciidamo. Laakiin waxay codsadeen in la caawiyo.

“Ma jiraan ambalaasyo, ma jiraan booliis, ugu yaraan hadda,” ayuu yiri Ancheu, isaga oo ka hadlayay qaybo badan oo ka mid ah gobolka subaxnimadii Axadda.

Meelahaas waxaa ruxay Axadii dhulgariir kale oo ka yar kii Jimcihii kaasoo cabirkiisu ahaa 3.9, sida ay sheegtay heyadda Sahanka Juquraafiga ee Maraykanka. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga in uu khasaare intaas ka badan geystay iyo in kale, balse waxa ay u badan tahay inuu burbur ku keenay dhismayaal aan la degganayn oo dadka deegaankuna ay ka baqeen dhulgariir hore ka dib.

Wadarta 2,122 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen ugu yaraan 2,421 kalena waa ay ku dhaawacmeen – 1,404 ka mid ah ayaa aad u liita, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.  Inta badan dadka dhintay – 1,351 – waxay ku sugnaayeen degmada Al Haouz ee Buuraha Atlas ee Sare, ayay tiri wasaaraddu.

Calanka Morocco ayaa hoos loo dhigay, iyadoo Boqor Maxamed VI uu amray saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo bilaabanaysa Axadda. Ciidanku waxa ay abaabuleen kooxo baadigoob iyo samatabbixin isugu jira, boqorkuna waxa uu amray in biyo, raashiin iyo hoy la gaadhsiiyo dadka guryahoodii waayay.

In kasta oo ay markii ugu horreysay sheegtay Axaddii in ay aqbali doonto gargaarka afar waddan, haddana Marooko ma aysan samayn codsi caalami ah oo gargaar ah sida Turkiga oo kale saacado ka dib dhulgariir weyn oo dhacay horaantii sanadkan, sida ay sheegeen kooxaha gargaarka.

Deeqaha gargaarka ayaa laga soo shubay adduunka oo dhan, waxayna Q.Midoobe sheegtay inay ku leedahay Morocco koox isku dubaridi doonta taageerada caalamiga ah. Ilaa 100 kooxood oo ka kooban wadar ahaan 3,500 samatabbixiye ayaa ka diiwaan gashan xarunta Qaramada Midoobay oo diyaar u ah in la geeyo Morocco.

Mas’uuliyiinta Czech Republic ayaa goor sii horreysay sheegay in waddanku uu dirayo ilaa 70 xubnood oo ka tirsan koox samatabbixin ah oo loo tababaray inay ka baaraan burburka ka dib markii ay codsi rasmi ah ka heleen dowladda Morocco. Wasiirka difaaca Czech Jana Cernochova ayaa sheegtay in saddex diyaaradood oo militari ah la diyaariyay si ay kooxda u daabulaan.

Faransiiska, oo xiriir badan la leh Morocco oo sheegay in afar ka mid ah muwaadiniinteeda ay ku dhinteen dhulgariirka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News