SO | EN

SO | EN

Wararkii ugu Dambeeyay Diyaaradaha Maraykanka oo duqeymo ka fuliyay Gobolka Bari

|

BOOSAASO (Kaab TV) -Diyaaradaha Maraykanka ee Duulliye la’aanta ah (Drones) ayaa duqaymo ka fuliyay deegaanno katirsan Gobolka Bari Dowlad-Goboleedka Puntland oo saldhigyo u ah Daacish sida wararka la helayo ay sheegayaan.

Duqaymaha ayaa dhowr jeer lagu dhuftay goobo difaacyo ay ku leeyihiin Daacish isla markaana ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland sida ay ku warrameen saraakiil katirsan ciidamadaas.

Maraykanka gaar ahaan Taliska u qaabilsan howlgallada duqaymaha aha ee AFRICOM weli ma jiro war uu kasoo saaray, sidoo kale Dowlad-Goboleedka Puntland ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo xubnaha sida gaar ah loo beegsaday.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News