SO | EN

SO | EN

Wararkii ugu dambeeyay duqeyn diyaaradeed oo kadhacday Tuulada Shabeelow

|

Shabeelow (KAAB TV) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo kadhacay deegaanka Shabeelow halkaas oo ay fariisimo kulahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, duqeyntan ayaa lagu soo waramayaa in gantaalo ey ku garaaceen goobo ey Al-Shabaab kulahaayeen dhufeysyo waaweyn, iyadoo goobta ey duqeynta kadhacday saakay uu shalay dagaal kudhexmaray ciidanka dowladda, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka.

Dhanka kale, duqeyntaan ayaa lagu soo waramayaa in khasaaro farabadan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab iyadoo eysan wali cadeynin dowladda khasaaraha kadhashay duqeyntaas.

Waxaa jira warar sheegaya in diyaaradahan in si qalad ah ey u duqeeyeen goob ey kusugnaayeen ciidanka Macwiisleyda.

Deegaanka Shabeelow oo shalay uu kadhacay dagaal xooggan oo faraha laiskaga jaray dagaalkan oo udhexeeyay ciidanka dowladda iyo kooxda Al-Shabaab iyadoo dagaalkan ey kudhinteen saraakiil katirsan iyo masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News