Muqdisho (Kaab TV)– Weerar qaraxyo ah ayaa caawa lagu qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayada oo la maqlay dhowr qarax oo is-xigxigay iyo rasaas xooggan.
Labo qarax ayaa ka dhacday hotelka Pearl Beach oo la dhihi jiray Ocean View, magacaabo Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in rasaas xoogan ay ka socoto gudaha Hotelka.
Sidoo kale Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidanka amniga ay gudaha u galeen Hotelka, isla markaana ay soo badbaadiyeen dad badan oo shacab ah oo hotelka ku sugnaa, waxaana dadka laga bixiyey albaab dambe oo dhanka xeebta xiga.
Wali waxaa socda Badbaadinta dadka iyadoo ey socdaan howlgalo oo ciidanka amnigu ay ku soo afjarayaan kooxdii weerartay Hotelka, waxaana lasoo bandhigay sawirrada ciidanka Haramcad oo ka dagaalamaya gudaha Hotelka.
Mana jirto cid xog ka bixisay khasaaraha ka dhashay weerarkaas, dowladduna weli kama hadlin, waxaana socda dadaallo ay lagu badbaadinayo dadka.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarka ay fuliyeen rag soo xirtay jaakadaha qarxa, kadibna ay koox hubeysan ku xigsatay, kuwaasi oo hadda gudaha ka dhex dagaalamaya.
Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada, waxaana la arkayey dad ka kala cararaya goobta, balse waxaa sidoo kale jira dad ku go’doonsan aagga.
Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse weli xog rasmi ah lagama helin halka uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa.