SO | EN

Wararkii ugu dambeeyay kulamo uu madaxweyne Xasan ka wado Qatar

|

Dooxa (Kaab TV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo ka wada magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaasi oo uu gaaray Talaadadii.

Madaxweynaha ayaa waxa uu kulammo kala duwan la yeeshay hoggaanka rugta ganacsiga Qatar iyo ururka ganacsatada Qatar, isaga oo u soo bandhigay sida dowladda federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta fursadaha maalgashiga.

Xasan Sheekh ayaa ganacsatada dalka Qatar waxa uu u iftiimiyey fursadaha maalgashiga ee ka jira dalkeenna, kheyraadka dihan ee ka faa’iideysigoodu uu fursadda u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo malgashadeyaasha caalamiga ah.

“Soomaaliya waa dal hodon ah dhanka khayraadka, waxaan leenahay dhul-beeraadkii, baddii iyo barrigii oo dihan. In la maalgashado waxaa hortaagnaa argagixisada dhiigmiiratada ah, iyagana hadda waa ka xoreynaynaa taako kasta oo ka mid ah dalkayaga,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hal-abuureyaasha ganacsi iyo maalgashadeyaasha waaweyn ee dalka Qatar ayaa dhankooda uga mahad-celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xogtan dhammeystiran ee ku dhiirri-gelinaysa in ay hantidooda geliyaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxay si weyn ugu bogaadiyeen guulaha dowladnimada ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu kulan gaar ah magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar kula yeeshay saraakiil iyo saraakiil ku-xigeenno tababar ku qaadanayo waddankaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagay saraakiisha ay Soomaaliya u tababareyso Qatar, warbixin ku aadan xaaladda dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in socdaalka madaxweynaha ee Qatar ay qeyb ka tahay qorshaha ay dowladda taageero dhaqaale ugu raadinayso dagaal culus ee kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tego dalka Qatar, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii hore.

Qatar ayaa kamid ah dowladdaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ay ka fulisa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.

Hasayeeshee, Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku sugan yahay dalkaasi waxay madaxda iyo diblumaasiyiinta kale ee ku wehlinaya safarkaan madaxweynaha ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha Soomaaliya.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News