SO | EN

SO | EN

Wararkii ugu dambeeyay Laascaanood oo markale madaafiic lagu garaacay

|

Laascaanood (Kaab TV) – Faahfaahino dheerad ah oo kasoo baxaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ey duqeymo ka dheceen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo ay duqeeyeen ciidaanka Soomaaliland.

Sidoo kale dhanka SSC Khaatumo ayaa iyadana lagu soo waramayaa in iyagana ey madaafiic kugaraaceen xerada Goojacade oo ay fariisin kuleeyihiin ciidanka Soomaaliland, sidoo kale ciidanka Soomaaliland ayaa iyaguna lagu soo waramayaa in madaafiicda ay tuureen inta badan ay kudheceen gudaha magaalada Laascaanood.

Madaafiicda ay isku adeegsadeen labada dhinac ayaa lagu soo waramayaa in ay geysteen khasaare leh dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo soo gaaray magaalada iyo goobo ganacsi.

Dadka deegaanka oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay, Hoobiyaasha lagu garaacay magaalada uu ka dhashay khasaare fara badan taas oo dadka shacabkana ku abuurtay cabsi xooggan.

Wararka ayaa intaas kudaraya in magalaada Laascaanood, laga dareemayo maanta xaalado kacsanaan ah iyadoo madaafiicda lagu garaacay magaalada ey saameen weyn kuyeelatay dadka deegaanka.

Duqeymahan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ey shalay bayaan culus kasoo saareen golaha amaanka Qaramada Midoobay, bayaankaas oo looga hadlay xaalada kajirta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale bayaanka waxaa fariin loogu diray Soomaaliland oo loogu baaqay in ciidamadeeda ey sida ugu dhaqsiyaha badan ugala baxdo gudaha magaalada Laascaanood, Sidoo kale dhanka SSC Khaatumo ayaa iyadana loogu baaqay in ey joojiyaan colaada si gargaar loo gaarsiiyo dadka ey waxyeeladu soo gaartay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News