JOWHAR (KAAB TV) – Kooxo Maleeshiyo beeleed ah oo dagaalamay ayaa gubay Tuulada EJi oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleed ka timid degaano ka tirsan gobolka Hiiraan Tuuladaasi ay dab qabadsiiyeen dhammaan guryihii ku yaallay tuuladaas ay gubteen.
Maxamuud Geedi saneey oo ah Gudoomiyaha Tuulada Eji ee la gubay oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay dhammaan Hantidii taalay tuulada ay gubatay wax ka badbaadina aysan jirin ,iyadoo dadkii deganaa tuuladaas ay u barakeceen degmada Mahdaay ee gobolka shabeelada Dhexe iyo degaannada kale ee gobolkaasi.
Waxaa maalmihii la soo dhaafay taagnaa xiisad dagaal oo u dhexeysay dadka deggan degaankaas iyo maleeshiyo beeleedyo ka yimid deegaano hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan kaas oo sababay khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac.
Odayaasha deegaanka oo isku dayey inay xal u heleen muranka ku saabsan lahaanshaha deegaanka iyo deegaanno ku teedsan oo mudddo muran uu ka taagnaa ayaan suuratagalin in xal laga gaaro.