JALALAQSI (KAAB TV) – Warar ku saabsan qarax ismiidaamin ah oo galabta casar gaabadkii ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan kaasoo geystay Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale, Qaraxan ayaa yimid ka dib markii nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku miidaamiyey maqaayad shaah laga cabo oo ku taalla degmadaas.
Waxaa Maqaayada ku sugnaa dad shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Jalalaqsi oo uu ku jiro Guddoomiyaha degmadaas iyo ilaalo hubeysan oo la socday.
Dhanka kale, weli si rasmi ah looma shaacin khasaaraha dhabta ah ee qaraxaas sidoo kale wararka qaarkood ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen dhowr qof oo uu ka mid ahaa Gudoomiyihii dhalinyarada iyo arrimaha bulshada degmadaas Maxamed Dhegacadde.
Dad kale oo badan ayaa ku dhaawacmay qaraxaas kuwaasoo iskugu jiray masuuliyiin iyo shacab goobtaas kuwada sugnaa, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dadka dhaawacmay uu ku jiro Gudoomiyihii Maamulka degmada Jalalaqsi Nuur Dheere.
Ma jiro ilaa hadda war ku saabsan qaraxan oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo dowlad goboleedka Hirshabelle, waxaana masuuliyada sheegtay sida looga bartay kooxda Al-Shabaab.