SO | EN

SO | EN

Wararkii ugu dambeeyay qorshaha muddo kororsi ee hay’adaha dowladda federalka

|

Muqdisho (Kaab TV)– Guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha ee qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka KMG ah ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kulan uu shir-guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulankan ayaa waxa uu guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha la yeeshay guddiga madaxa-banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka KMG ah.

Guddigan ayaa xog-wareysi ku saabsan waxqabadkooda la yeeshay guddiga madaxa-banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka KMG, iyada oo intaasi kadibna ay guddiga weydiiyeen su’aalo ku saabsan warbixintooda.

Guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha ayaa ugu mahad-celiyey xubnaha ka socday guddiga madaxa-banaan warbixintooda wanaagsaneyd ee ay siiyeen guddigooda.

Kulankaan ayaa qeyb ka dadaalka uu guddiga wax bedelka muddo xileedka Labada Aqal ee BF ugu jiro sidii hawlaha guddiga uu u xilsaaray Baarlamaanka uu ugu noqdo dhameystir, maadaama la doonayo in golaha la horgeeyo kalfadhiga 3-aad ee golayaasha.

Qorshaha guddigan lagu magacaabay ayaa waxaa hore uga dhashay dood xoogan iyo falcelin, kaasi oo lagu tilmaamay muddo kororsi ay waddo dowladda federaalka, oo lagu karkarinayo Baarlamaanka, si wax ka beddal loogu sameeyo muddo xileedka hay’adaha dowladda.

Qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afar sano.

Si kastaba, Arrintan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay xubnaha mucaaradka oo ka digay in haatan lagu dhaqaaqo muddo kororsi horleh, ayada oo aysan jirin sababo keeni karo.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News