Baydhabo (Kaab TV)– Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa haatan waxaa ka socdo qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu wado inuu saacadaha soo socdo ka furmo gudaha magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in maanta madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo, si uu u furmo shirka ay ku leeyihiin magaaladaas oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah.
Diyaar garow xoogan ayey haatan wadaa Koonfur Galbeed oo isku diyaarineyso soo dhaweynta madaxda tageysa magaalada Baydhabo, sida uu shaaciyay Maxamed Cali Ibraahim oo ah agaasimaha guud ee warfaafinta ee madaxtooyada Koonfur Galbeed.
“Waxaa maanta Magaaladda Baydhabo oo ah Xarunta kumeel gaarka Dowladda Koonfur Galbeed soo gaari doono Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, Baydhabo waxay marti gilin doontaa Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran oo Maalinta berito ka furmi doono Magaaladda” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirka Baydhabo ka furmayo ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, ammaanka, siyaasadda, dastuurka, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha dhaqaalaha.
Dhinaca kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda beesha caalamka.
Wakiiladda Caalaamiga ah ayaa Saciid Cabdullaahi Deni ka dalbaday in shirkaasi uu xaadiro, islamarkaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro.
Si kastaba, shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qabto 24-kii bishii hore, balse wuxuu dib ugu dhacay si madaxweynaha Puntland loogu qanciyo ka qeyb-galka shirka, taasi oo illaa hadda aan lagu guuleysan.