SO | EN

SO | EN

Wararkii ugu Dambeeyay xaaladda Degmada Dayniile

|

MOGADISHU (KAAB TV) –Kadib shir albaabadu u xirnaayeen oo ay yeesheen xildhibaanno, wasiirro, ganacsato, odayaal dhaqameed, saraakiil ciidan iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Murusade ayaa si qoto dheer looga dooday cabasho ballaaran oo ku saabsan dhul boobkii iyo xoog ku qabsashadii ka socotay deegaanka.

Shirka waxaa lagu falanqeeyay sida shacabka looga ilaalin karo cadaalad-darrada iyo dulmiga ay ku hayaan kooxo hubeysan oo wata awood dowladeed.

Intii uu socday shirka, bulshada deegaanka ayaa si cad u muujisay dareenkooda, iyagoo sheegay in dhulkooda si sharci-darro ah loogu gacan gelinayo dano gaar ah iyo kooxo ku tiirsan musuq iyo awood ciidan.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ayaa ku adkaystay in shacabka aan mar kale lagu soo rogi karin xoog iyo qori caaradii.

Odayaasha dhaqanka ayaa digniin adag u diray cid kasta oo ku lug leh boobka dhulka, iyagoo xasuusiyey in dhulku uu yahay xuquuq aas-aasi ah oo qof walba difaaci doono xataa haddii uu naf iyo maal ku waayo.

Hase yeeshee warar soo baxaya caawa ayaa muujinaya in laamaha amniga ay bilaabeen qorshe ka hor imaanaya go’aankii shirka, si ay ula wareegaan dhulkii shalay shacabka ka difaacay ciidamada dowladda.

Ciidamadan ayaa lagu wargeliyey in ay xoog ku galaan dhulkaas, islamarkaana ay burburiyaan guryaha iyo hantida shacabka taas oo ka dhigan isku day labaad oo lagu boobayo dhulka dadka deegaanka.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa si weyn uga carooday tallaabadii shacabka deegaanka ay ku hor istaageen ciidammada dowladda, kuwaas oo isku dayey in ay la wareegaan burburiyaanna dhulka balse looga hortegay weerar abaabulan.

Taliyaha ayaa waxa uu amar degdeg ah siiyey Taliyaha qeybta degmada, isagoo faray in la hawlgeliyo ciidamada booliska milateriga ah si ay ula wareegaan dhulkaan loona fuliyo qorshaha.

Dhanka kale ciidamo abaabulan oo wato gaadiid aad u badan kuna hubeysan hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa toban afaafka hore ee isbitaalka Guutaale kuwaas sida aan xogta ku helay ayna ila wadaageen dadka deegaanku in loo diyaariyey In ay ka difaacaan ciidanka dowladda dhulkaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News