GAZA (KAAB TV)- Shan qof ayaa ku dhintay in ka badan 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ay Israa’iil ku qaadday bartamaha magaalada Gaza, sida uu sheegay difaaca rayidka ee Qaza.
Dadka Israa’iiliyiinta ah ayaa weerarro kala duwan ka geystay daanta galbeed ee la haysto, iyagoo mid ka mid ah ku dilay, dhowr qof oo falastiiniyiin ahna ku dhaawacay, baabuur iyo guryo ay ku gubeen, rasaasna ku fureen gaadiidka gurmadka degdegga ah ee Bisha Cas.
Xiisada ayaa weli ka taagan Israa’iil iyadoo ciidamadu ay ka feejigan yihiin weerar la filayo inuu kaga yimaado Iran, kaasoo halis gelinaya in dagaalka Qaza uu u sii baahayo dagaal goboleed.
Ugu yaraan 33,634 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 76,214 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.
Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Gaza
|