GAZA (KAAB TV)- Sideed carruur ah ayaa ku dhintay weerarrada Israa’iil ay ku qaadday Rafah
Wakaalada wararka ee Wafa ayaa ku warameysa in tirada dhimashada ee weerarada Israel ay ka geysatay Rafah ay gaartay 22 qof.
Dhibanayaasha waxaa ku jira sideed carruur ah, ayay tiri.
Laba ka mid ah ayaa lagu dilay weerarka lagu qaaday guriga Abu Lebda, afarna waxaa lagu dilay weerar lagu qaaday qoyska Qishta.

