Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Gaza.

|

GAZA(KAAB TV)- Qabashada Israel iyo xiritaanka isgoyska Rafah ee Gaza ayaa kor u qaadaya walaaca laga qabo in cuntada iyo sahayda caafimaad ee horeba u yaraatay ay sii yaraan doonaan ayna horseedi doonto masiibo bini’aadantinimo “musiibo”.
“Maalin kasta oo ay mas’uuliyiinta Israel xannibaan gargaarka naf-badbaadinta, Falastiiniyiin badan ayaa halis ugu jira inay dhintaan,” Human Rights Watch ayaa tiri.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in hindise xabbad-joojin ah oo ay ku heshiiyeen Xamaas ay “ay aad uga yar tahay” dalabaadka Israa’iil, balse wafdi Israa’iil ah ayaa gaaray Qaahira si ay wadahadallo dheeraad ah u yeeshaan.
Ugu yaraan 34,789 qof ayaa lagu dilay 78,204 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News