LAASCAANOOD (KAAB TV) – Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka Magaalada Laascaanood.
Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa SSC ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda ka bilaabay Fariisimaha ay isku horfadhiyaan ee duleedka Magaalada Laascaanood.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Soomaaliland ay soo gaareen Ciidamo Gurmad ah kuwaas oo ka qayb qaadanaaya dagaalka Laascaanood .
Hase yeeshee ‘ dagaalkii 27kii bishan juun ka dhacay duleedka Magaalada Laascaanood ee dhexmaray Ciidamada SSC iyo Ciidanka Militarigaa Soomaliland ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac aah oo soo kala gaaray dhinacdada ee dagaalamaya.
Magaalada laascaanood iyo degaannada hoostaga ayaa waxaa weli ka jira Xiisaad dagaal oo u dhexeysa Ciidamada Somaliland iyo kuwa xoogagga degaanka ee la magac baxay SSC, iyada oo aan weli xal loo helin dagaaladaas.