MUQDISHO (KAAB TV) – Shalay oo ay taariikhdu ahayd 13 May, 2024 waxaa Suxufiyiinta Muqdisho u soo dhammaaday kulamo xiriir ah oo ay isugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee saxafiyiinta warbaahinta madaxa-bannaan, loogana arrinsaday masiirka shaqada warbaahinta madaxa-bannaan, xorriyadda hadalka iyo badqabka saxafiyiinta halista ku jirta ee dalka. Kulamadaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho.
Kulamada waxaa kaloo la isaga xog-wareystay halista kasoo fool leh waxa lagu sheegay Golaha Warbaahinta oo ay Wasaaradda Warfaafinta si iskeed ah u sameysatay si loogu cabburiyo warbaahinta xorta ah.
Kulamada saxafiyiinta waxaa lagu ayiday baaqyadii kala duwanaa ee kasoo baxay madaxda xarumaha warbaahinta iyo difaacayaasha saxafiyiinta iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Kulamadaas xiriirka ah waxaa haddaba kasoo baxay qodobadan soo socda:
- Suxufiyiinta Muqdisho waxay xoojinayaan baaqyada madaxda warbaahinta xorta ah, difaacayaasha xorriyadda saxaafadda iyo kan ururrada bulshada rayidka ay kaga soo horjeesteen golahan ay Wasaaradda Warfaafintu u sameysatay inay ku cabsgeliso , kuna caburiso warfidiyeenka xorta ah. Waxayna madaxda sare e dalka sida RW , Guddoonka labada gole iyo madaxweynaha ugu baaqayaan in ay soo farageliyaan arrintan.

Saxafiyiinta ka qeybgalay kulanka. - Suxufiyiinta Muqdisho waxay ugu baaqayaan madaxda warbaahinta madaxabannaan , urrurada u dooda warbaahinta iyo suxufiyiinta in ay isugu yimaadaan kulan deg deg ah oo lagu badbaadinayo masiirka warbaahinta xorta ah oo hadda halis weyn ay soo wajahday, kaasoo haddii aan si deg deg wax looga qaban sababi kara in saxaafadda xorta ah albaabada loo laabo, dadweynahana ay heli waayaan xog madax-bannaan.Iyadoo uu dalka hadda ku jiro marxalad siyaasadeed oo adag, sida muranka ka taagan nuuca doortasho uu dalka aadidoono.
- Haddaba, si loo badbaadiyo masiirka warbaahinta xorta ah ee dastuuriga, ahna qeyb aas-aasi ah oo kamid ah xuquuqda aadanaha, Warfidiyeenka Muqdisho waxay dhammaan suxufiyiinta iyo daneeyayaasha warbaainta ugu yeerayaan in la sameeyo Gole Warbaahin madaxbannaan oo loo dhanyahay xaqna ah laguna casuummo dhammaan dhinacyada oo ay ku jirto xitaa Dowladda.
Ugu dambeyn, waxaan hay’adaha dowladda, kuwa dowlad gobolleedyada, ururrada saxafiyiinta, kuwa bulshada rayidka iyo beesha caalamka la socodsiineynaa in Golaha ay dhisatay Wasaaradda Warfaafinta uu yahay mid ku kooban Wasaaradda Warfaafinta, wakil na aysan ka noqon karin saxaafadda madaxa-bannaan.

