Muqdisho (KAAB TV) – Maalinta caalamiga ah ee Nelson Mandela, dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay waxay carrabka ku adkeeyeen baahida degdegga ah ee dib-u-habaynta xabsiga, iyagoo iftiimiyay xaalado daran oo ka jira xarumaha qaranka.
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay oo cinwaan looga dhigay “Xaladaha Xabsiyada ee Soomaaliya – Qiimeyn Dhameystiran,” ayaa lagu daah furay intii ay socotay munaasabadda taasoo muujineysa arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin ciriiriga, nadaafad-darrada, helidda daryeel caafimaad, biyo nadiif ah, iyo koronto. Waxa ay sidoo kale iftiimisay in maxaabiis badan oo ay ku jiraan haween iyo carruur aan lagu xukumin dambiyo waaweyn. Warbixintu waxay ku baaqaysaa in dib-u-habayn lagu sameeyo sharciga iyo siyaasadda, dib-u-habaynta xarumaha, samaynta xarumo caafimaad oo si wanaagsan loo qalabeeyey, iyo hirgelinta barnaamijyada waxbarashada iyo xirfadaha ee maxaabiista.
“Xabsiyadu inta badan waa qaybta la ilaaway ee nidaamka cadaaladda. Hase yeeshee xaaladooda iyo xuquuqda kuwa ku jira ayaa ah mid aad muhiim u ah. Waxaan ka bilaabeynaa soo jeedin sahlan: xabsiyada waa inay noqdaan meel ugu dambeysa,” ayuu yiri Nasrin Khan, madaxa xabsiga Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM) ee Qaybta Caddaaladda iyo Toosinta Wadajirka ah.
General Bashiir Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Guddiga Asluubta ee Golaha Shacabka ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay dhaqan celinta iyo ciqaabta “Ujeedka xabsiga laga leeyahay waa inuu ahaadaa in maxaabiista dhaqan celin loo sameeyo ee ma ahan in la ciqaabo oo kaliya, waxaan ka codsanay wasaaradda waxbarashada in maxaabiista ay ka taageerto baxnaanintooda iyadoo la siinayo tababarro xirfadeed iyo waxbarasho toos ah” ayuu yiri.
Faysal Aadan Xasan Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa qiray in tababar la’aanta iyo agabka ay u baahan yihiin shaqaalaha xabsiyada. “Nidaamka waxa uu ku shaqeeyaa qaab milatari taas oo horseedaysa dhibaatooyin iyo waxqabad la’aan Waxaan ka shaqeyneynaa qaab cusub oo ay hogaaminayaan rayidka si wax looga qabto arrimahan,” ayuu yiri.
Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya xildhibaanno iyo saaxiibo caalami ah ayaa hoosta ka xariiqay dadaallada wadajirka ah ee loo baahan yahay in wax looga qabto caqabadahaas. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan dambiyada iyo maandooriyaha (UNODC) iyo hay’ado kale oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa dawladda Soomaaliya kala shaqaynaya barnaamijka wadajirka ah ee cadaaladda iyo toosinta si loo dhaqan geliyo xeerarkii Nelson Mandela, kaas oo faraya in maxaabiista loola dhaqmo bini’aadantinimo iyo dhaqan celin.
Xeerarka Nelson Mandela, ee uu ansixiyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 2015, waxay u baahan yihiin ixtiraamka dhammaan sharafta maxabiista. Nelson Mandela oo 27 sano xabsiga ku jiray xilligii midab-takoorka ee Koonfur Afrika ayaa u ololeynayay in xaaladaha xabsiyada la wanaajiyo, isagoo tusaale u soo qaatay caalamka oo dhan oo lagula dhaqmo bini’aadantinimada.
Iyadoo Soomaaliya ay la daalaa dhacayso dib u habeynta xabsiga, dadaalka wadajirka ah ee dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ee maalinta Nelson Mandela ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay in xabsiyada dalka laga dhigo xarumo dhaqan celin ah taasoo ka tarjumaysa dhaxalka uu Mandela ka dhaxlay cadaaladda iyo xuquuqda aadanaha.

