MUQDISHO (KAAB TV) – Goobaha ganacsiga ee ku teedsan xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ee caanka ah ayaa laga soo sheegayaa hoos u dhac weyn oo ku yimid macaamiishooda kadib dabeylo xooggan iyo digniino laga digayo duufaano saameyn ku yeelan kara xeebaha Soomaaliya.
Mid kamid ah milkiilayaasha ganacsiyadaas oo lahadlay Telefiishanka Kaab, ayaa sheegay in goobta oo mashquul badan ay ka jirtay maalmihii ugu dambeeyay dadka soo booqanaya ay yaraadeen, taasoo saameyn ku yeelatay dakhligooda.
Xeebta Liido waa mid ka mid ah goobaha madadaalada ee caasimadda, waxaana inta badab usoo damaashaad taga dadka ka yimaada Qurbaha.
Waxay hoy u tahay tiro sii kordhaysa oo huteelo ah, makhaayado, iyo dukaanno qaxwaha oo taageera shaqooyinka maxalliga ah iyo ganacsiyada yaryar.