SO | EN

SO | EN

WARBIXIN: Lacagta shilin Soomaaliga oo dabar go’ ku sii dhow

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Waxaa hoos u sii dhacaya isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga ee gudaha dalka.

Adeegsiga lacagta doolarka iyo lacagta danabeysan ee EVC ayaa si weyn ugu sii faafeysa dadweynaha oo xitaa qoysaska ayaa lacagta doolarka u adeegsada nolol maalmeedkooda. Tani ayaa sababtay in qiimaha shilinku uu marba marka ka dambeysa hoos ugu sii dhacaysa.

Waxaan weli jirin siyaasad dowladeed oo ku wajahan soo celinta qiimaha shilinka, iyadoo aysan shirkadaha isgaarsiintu aysan ogoleyn in shilinka ay ku bedelaan adeegsiga doolarka.

Kaab TV ayaa warbixintan ku wareystay dadweynaha ku dhibban isticmaalka shilinka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News