Baydhabo (KAAB ) Isbedel ayaa ku yimid siyaasadda maamulka Kmoonfur Galbeed ee Cabdicasiis Laftagareen iyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxaana jira isfaham xagga siyaasadda ah.
Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu aad ula dhacay habka siyaasadda cusub ee Madaxwaynaha maamulka – koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen.
Siyaasadaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda u muuqata mid is bedelaysa oo ay isku soo dhawaynayaan Dowladda Dhexe ee Soomaaliya , taas oo ka dhalatay is fahamka labada Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Siyaasadda degan ee Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo ka go’anaanshaha isku haynta dadka deegaanka iyo midnimada ayaa la sheegay in ay keentay in si aad ah ay isugu soo dhawaadaan labada Madaxwayne.
Dhawaan heshiis siyaasadeed ayaa laga gaaray khilaaf ka dhashay arrimaha doorashooyinka , waxaana qaarkood loo magacaabay xil sare sida Dr Maxamed Ibraahim Bilaal oo loo magacabay Taliye Sare oo Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ah.
Xubnahii mucaaradka ku ahaa Madaxwaynaha ayaa qaarkood si aad ah ugu dhaw Madaxwaynaha koonfur – Galbeed taasna waxa ay keentay in Dowladda Dhexe iyo Madaxwaynaha Koonfur Galbeed si aad ah isugu soo dhawaadan isla markaana wax ka bedelanto siyaasadii jirtay.