MUQDISHO (KAAB TV) – Wariye Maxamed Ibraahim Bulbul ayaa maalintii labaad ku afduuban magaalada Muqdisho.
Shalay oo Khamiis ahayd ayaa rag hubeysan oo dhar cad ahaa, isla markaana watay baabuur aan lahayn calaamad ay ka kaxaysteen xarunta Jaamacadda Muqdisho oo uu ku sugnaa. Raggaasi oo watay bastoolado ayaa Bulbul ku bilaabay weerar gacan qaad ah iyo handadaad ka hor intii aysan kaxaysan.
Qoyska Maxamed Bulbul iyo asxaabtiisa ayaa Kaab TV u xaqiijiyay in la weysanaa dhowr saacadood, markii laga war heley in la geeyay xarunta ciidanka dembi baarista booliska ku leeyihiin agagaarka dekedda Muqdisho ee degmada Xamar Jajab.
Ma jirto eedeyn illaa hadda laga keenay Bulbul, hase yeeshee qabashadiisa ayaa timid maalin uun ka dib markii uu baahiyay warbixin baariseed ku saabsanayd askar boolis ah oo ka cabaneysay lacago gunno ah oo laga musuqmaasuqay.
Askarta ayaa ka qeybgalayey seminaar ay soo qabanqaabisay hay’adda Midowga Yurub ee EUCAP.
Qareenada iyo qoyska ayaa loo diiday inay la kulmaan wariye Bulbul.
Wariye Bulbul ayaa sidoo kale ah Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS.
SJS ayaa cambaareysay weerarka iyo falka afduubka ah ee lagula kacay wariye Bulbul.
Waxayna SJS ku baaqday in deg deg loo siidaayo wariye Bulbul.