Muqdisho (KAAB TV) – Xeebta Liido oo ah goob dalxiis oo ay dadka usoo dabaal tagaan maalin kasta ayaa waxaa usoo dabaal doonto dadyow kala duwan oo ka kala yimaada degmooyinka gobolka Banaadir.
Sidoo kale, Xeebta Liido waa goob ay isugu yimaadaan kumanaan qof kuwaas oo usoo baashaal doonto maalmaha Jimcaha iyo Khamiista, si ay jawigooda iyo waqtigooda nasiinada ugu qaataan.