MUQDISHO (KAAB TV) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhex dhacay xero ciidan oo ku taalla gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.
Qaraxa oo loo malaynayo inuu ahaa qof walxaha qarxa isku soo xiray oo lebiska ciidamada xirnaa, ayaa beegsaday ciidan saf ku jiray oo joogay xerada, sida illo wareedyo madaxbannaan ay sheegeen.
Ugu yaraan 15 ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen qaraxa.
Qof goobjoog ah ayaa sheegay inuu arkay askar dhaawacyo soo gaareen oo laga soo saarayo xerada, ilaa iyo hadda waxaa la sheegay in askar gaaraysa 30meeyo ay ku dhinteen
Qofka qaraxa geystay ayaa la sheegay inuu soo dhex galay ciidanka, kadibna uu sidaas isku qarxiyay, waxaana jiro dhimasho iyo dhaawac aad u badan.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, iyagoo intaa ku daray in mid kamid ah xubnahooda is qarxiya uu beegsaday ciidan saf ku jira, isla markaana uu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo tiro rasmi ah aanay sheegin.