SO | EN

SO | EN

Nin Xerada Xagardheer ku gowracay wiil uu abti u yahay

|

NAIROBI (KAAB TV) – Sida  maanta oo Axad ah ay sheegayaan Wararka laga helayo  xerada Xagardheer oo ka mid ah xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya, nin ku hubeysna tooreey ayaa  gowracay wiil yar oo la sheegay inuu Abti u ahaa

Waxa ay  wararka sheegayaan in sidoo kale ninkan hubaysan uu dhaawacay gabar la dhalatay oo laheyd Uur 8 bilood ah.

Ninka dhacdadaan naxdinta  geystay ayaa magacaiisa lagu sheegay Cabduqaadir Cabdullaahi, isaga oo mindi dhuunta ka galiyay wiilka yar oo ahaa sanad jir aan wali socod baran.

Sidoo kale waxa la  sheegay  in ninkan  dhaawac halis ah uu soo gaaray gabadha, goobta joogtay kadib markii uu ku dhuftay masaar iyo baangad uu watay oo  isaga la dhalatay .

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in ninkaan geystay falkaan naxdinta badan uu isticmaali jiray waxyaabaha maanka dooriya.

Dhacdooyinka aadka u argagaxa badan ayaa mudooyinkii dambe ahaa kuwa kusoo kordhaayay dhulka Soomaalida oo aanan horay looga aqoon dhacdooyinka noocaan oo kale.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News