SO | EN

SO | EN

WARCUSUB | Qarax ka dhacay Nairobi & waxa sababay.

|

Nairobi (KAAB ) Warar   kala duwan ayaa ka so baxaya qarax ka dhashay gaaska cunada lagu  karsado oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa lagu soo waramayaa in qaraxan uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  waxaana dadka dhaawaca ah lagula tacalayaa isbitaalo ku ku yaala magaalada Nairobi.

Qaraxaan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, ayada oo illaa hadda la xaqiijiyay dhaawaca ilaa 300 oo qof, sida Bisha Cas ee Kenya ay ku soo warrameyso.

Afhayeenka xukuumadda wuxuu sheegay in gaas la saarayey gaari kuwa xamuulka ah uu ka dhashay qaraxa, ayadoo dab xoog leh uu cirka isku shareeray.

Ilaa saaka waaberigii shaqaalaha dab-damiska ayaa la tacaalayey sidii ay u bakhtiin lahaayeen dabkaas oo xalay saqdii dhexe ka billowday xaafadda Embakasi.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News