SO | EN

SO | EN

WARCUSUB: Soomaaliya oo wajahi doonta Internet la’aan

|

Sanca (KAAB) Cabsi badan ayaa laga qabaa in Soomaaliya ay soo wajahdo Internet la’aan ka dib hanjabaadyo ka soo  yeeray kooxaha xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka  Yeman kuwaas oo khatar galiyay marin biyoodka Bada cas .

Kooxaha Xuutiyiinta ah ayaa weeraro ku qaaday Maraakiibta  adeegsata  marin biyoodka badda cas iyo gacanka Carabta  waxaana hadda soo baxaya in suurtagal ay  in kooxahaas ay jaraan fiilooyinka Internet-ka ee mara bada  hoosteeda.

Dhawaan  kooxda Xuuthiyiinta ayaa daabacay warbixin ay ku lifaaqan yihiin sawir muujinaya khariidadda shabakadaha fiilooyinka internet-ka iyo isgaarsiinta ee mara badda cas.

Wasiirka isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in Soomaaliya ay arrinta ay ka qabto walaac la mid ah dunnida inteeda kale.

Waxa  uu sheegay wasiirku in suurtagal ay tahay in  kooxda Xuutiyiinta ay ku dhiirran karaan  fulinta weerar noocaas ah taas oo keeni karta in internet la’aan ay ku dhacdo Soomaaliya.

Haddii  kooxaha Xuutiyiintu ay  jaraan fiilooyinka Internet-ka ayaa la saadalinayaa in ay ka dhalan karaan khasaare maaliyadeed oo baaxad leh taas oo saamayn  karta ganacsatada Soomaaliyeed.

Kooxaha Xuutiyiinta ah ayaa qal qal ku haya marin biyoodka  Bada cas halkaas oo ay aad u yaraadeen Maraakiinta ganacsiga ee adeegsan jiray  halkaas waxaana jiray qorshe Mareykanku uu kula dagaalamaya ka hortagida khataraha Xuutiyiinta.

Internetka Soomaaliya hadda laga isticmaalo ayaa ah midka xargaha fiber Optica ee badda hoosteeda mara, waxaana adag in la helo adeeg kale oo internet raqiis ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News