Luuq (KAAB TV) – Wararka aan ka helayno maanta oo sabti ah degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax xooggan oo cabsi galiyay dadka deegaanka.
Inta la xaqiijiyay ilaa iyo hadda seddax qof ayaa dhaawacyo culus uu ka soo gaaray qaraxan oo aad loogu maqlay xaafadaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Sida wararku ay sheegayaan , qaraxa ayaa ahaa miino la dhigay goob ganacsi oo ku taala degmada Luuqa.
Isgaaersiinta degmada oo hawada laga saaray ayaa markii dambe dib hawada ugu soo laabatay waxaana dib u furmay goobihii ganacsiga ee xirnaa mudada kooban.
Ciidanka aminga ayaa hareereeyay goobta ganacsiga ee maanta qaraxu uu ka dhacay waxa ayna fuliyeen howlgal koonan.
Ma jiraan dhanka kale wax war ah oo maamulka degmada uu ka soo saaray qaraxa waxyeelada gaystay ee maanta ka dhacay gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.