DOOLOW (Kaab TV) – Guddoomiyaha degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi—oo loo yaqaan “Lafey”—ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si ula kac ah uga shaqeynayso xasilooni-darro iyo hurinta colaado cusub oo ka dhex aloosan gobolka Gedo.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay Kaab TV ayuu Guddoomiye Maxamed Xuseen Lafey ku sheegay in ciidamada federaalku ay wadaan qorshe ay ku wiiqayaan awoodda dowlad-goboleedka Jubbaland, taas oo khatar gelinaysa nabadda Doolow oo muddo dheer ahayd deegaan deggan.
“Doolow waxay sanado badan ku raaxeysaneysay degganaansho, laakiin faragelinta dowladda federaalka waxay hadda abuuraysaa khataro amni oo dhab ah,” ayuu yiri Guddoomiye Lafey.
Xiisaddu waxay cirka isku shareertay toddobaadkii hore markii dowladda federaalka ay shaqada ka cayrisay saraakiishii amniga degmada Doolow, kuwaasoo markii dambe ku biiray ciidamada Jubbaland.
Tallaabadan ayaa dhalisay is hor-fadhi warwgan leh oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa taabacsan Jubbaland oo ku sugan nawaaxiga degmada.
Doolow waxay ku taallaa koonfurta gobolka Gedo, xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, waana magaalo istaraatiiji ah oo muhiim u ah howlgallada bani’aadamnimo.
Magaalada waxaa ka howl-gala hay’ado badan oo Qaramada Midoobay ah. Sida laga soo xigtay hay’adda UNHCR, magaalada Doolow waxay bishii Abriil 2024 hoy u ahayd in ka badan 20,000 qof oo barakacayaal ah, halka kumanaan kalena ay u gudbeen xeryaha qaxootiga ee Melkadida ee Dollo Ado, Itoobiya.
“Khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka wuxuu dhaawacayaa amniga degmada Doolow,” ayuu yiri Lafey, isagoo uga digay dowladda Muqdisho inay isku dayeyso inay Gedo ka goyso Jubbaland oo ay abuurto maamul kale oo is barbar yaal. “Tani waxay kaliya sii hurin doontaa colaadda gobolka.”
Doolow waa degmada kaliya ee Gedo ku taal oo aan waligeed hoos tagin kooxda Al-Shabaab, inkasta oo ay kooxdu dhowr jeer weerarro dhimasho sababay ka geysatay magaalada.
Guddoomiye Lafey wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay weli khatar weyn ku tahay gobolka, gaar ahaan deegaannada miyiga ah, isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka inay ka faa’iideysanayso amni darrida ka taagan magaalooyinka sida Garbahaarey, caasimadda Gedo.
“Waxaan ognahay waxa ka socda Garbahaarey,” ayuu yiri. “Ma jiro horumar ay dadweynuhu helaan, dowladduna waxay u muuqataa mid ka shaqeyneysa dan gaar ah.”
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale dhaliilay weerarkii militari ee dowladda Soomaaliya ay bishii Diseembar ee sanadkii hore ku qaaday degmada Raaskambooni oo ku taalla xuduudka Kenya, halkaas oo dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland.
Dagaalkaasi wuxuu ku dhammaaday guul-darro ciidamada dowladda oo la sheegay in tiro badan la qabtay halka in ka badan kun askari ay u gacan galeen ciidamada Kenya – waana is dhiibidii ugu ballaarneyd ee ciidan Soomaaliyeed taariikhda dalka.
“Dagaalkii Raaskambooni wuu laga baaqsan karay,” ayuu yiri Lafey. “Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ku naf waayay, ilaa iyo hadda cid sheegatay guulna ma jirto.”
Guddoomiye Lafey ayaa ugu dambeyn ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ee Muqdisho inay mudnaanta siiyaan wada-hadalka halkii ay dooran lahaayeen kala qaybin iyo faragelin, isagoo uga digay in sii wadidda faragelinta gobolka Gedo ay fursad u siin doonto kooxaha xagjirka ah isla markaana ay khalkhal gelin doonto xasilloonida guud ee dalka.

