SO | EN

SO | EN

Wariye Axmed maxamuud oo dib u helay xorriyaddiis

|

HARGEYSA (KAAB TV) -Wariye Axmed maxamuud[ Dool] ka mid aha wariyaasha ka howgala magaalada hargeysa ee caasimada soomaaliland ayaa maanta din u helay xorriyaddiis kadib mudo bil ah uu ku xirnaa Xarunta Dambi baarista Hargeysa.

Weriye Axmed maxamuud Dool oo saaka maxkamadda Hargeysa la hor keenay ayaa lagu xukumay ganaax dhan 1,000,500 Shilling Somaliland.

Arintaasi waxay dhalisay hadal hayn badan oo ku saabsan xeerarka iyo xoriyadda saxaafadda soomaaliland.

Wariye Axmed maxamuud ayaa ka hadlay markii uu helay xuriyadiisa ka dib waxaana uu sheegay in xarigiisa uu ahaa mid siyaasadeysan ujeeda xarigeyda waxaa uu aha mid siyaasadeysan oo ay xukuumada ka laheed dano aanan ilaa hada aan fahmin markaa taaleeyahay waaxaan ula jeedaa qoraalka leygu xeray ee leygu maxkamadeeyay waxaa uu ahaa qoraal uu qoray nin garyaqaan ah oo macruuf ah oo cidwaliba garaneyso balse garyaqaanka lama doonan anigii soo sheer gareeyay qoraalkaa ayaa taarged xukuumada iga dhigatay iyo cidii kale ay adeegsaneysay taasaa keentay in ley xero oo mudo 30 maalmood ah si sharci daro ah ugu xernaado Xarunta Dambi baarista ayuu yiri’ Wariye Axmed maxamuud .

Sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay bahda saxaafada gobolkasta oo ay jogaan sida ay ugu dhiidhiyeen xariga sharci darada ah ee leylugu kacay aniga iyo sidoo kale warbaahinta kale ee sanadkii koobaad ay ku bilowday xukuumada soomaaliland xariga joogta ah ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Qaar ka mid ah wariyasha ka holwgala magaalada hargeysa oo dhankooda ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhahweynayaan sii deynta Wariye Axmed maxamuud waxana ay ugu baaqeen madaxada ugu sareysa soomaaliland in ay ilaaliyaan xoriyda warbaahinta.

Wariyaasha ka howlgala soomaaliland ayaa waxaa ay la kulmaan xarig iyo dhibaatooyin kale oo loo geysto inta ay ku jiraan howlahooda Shaqo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News