Qaza (KAAB TV) – Wariye ka tirsanaa Telefishinka Caalamiga ah ee Al Jazeera ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay gudaha Qaza, iyo sidoo kale afar ka mid ahaa saaxiibbadii la shaqeynayay.
Sidoo kale, Anas Al Sharif ayaa lagu weeraray isagoo ku sugan teendho u dhow isbitaalka Al Shifa ee Qaza. Wuxuu si weyn uga soo warramayay dagaalka Israa’iil ee Qaza, gaar ahaan waqooyiga.
Dhanka kale, Israa’iil ayaa ku celcelisay eedeyn ah inuu ka tirsanaa Xamaas, taas oo uu si xooggan u beeniyeen isaga iyo Telefishinkii uu u shaqeynayey.
kahor dilkiisa, dhawaan ayuu sheegay in uu wajahayo aflagaado kaga imaanaysa mas’uuliyiin Israa’iiliyiin ah.
Tifaftire sare oo ka tirsan Al Jazeera oo l ayiraahdo Maxamed Moawad ayaa u sheegay BBC-da in kanaalkooda uu weli yahay mid ka mid ah kuwa yar ee ka warbixin kara xaaladda Qasa, balse ay saaxiibadood iyo qoysaskooda si joogto ah u dhimanayaan.
Siakstaba, duqeymaha Israa’iil ee aan loomeel dayin ayaa ilaa hadda socdo waxaana lagu dilay ku dhowaad 200 suxufiyiin ah tan iyo markii dagaalku bilowday.

