SO | EN

SO | EN

Wariye lagu xiray Magaalada Hargeysa

|

Hargeysa (KAAB TV) –Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta Ciidamada Soomaaliland ay Xabsiga dhigeen weriye Cabdiraxmaan Jumbo oo ka mid ah weriyeyaasha madax bannaan ee ka hawl gala magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Ilaa hadda wax faah faahin ah lagama bixin sababta lagu xiray Saxafigan, mana jiro war rasmi ah oo laga soo saaray xariga weriyaha.

Xariga weriye Cabdiraxmaan Jumbo ayaa noqonaya wariyihii 30-aad oo la xiray tan iyo markii ay xukunka qabtay xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Wariyeyaasha Magaalada Hargeysa qaarkood ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii loo siideyn lahaa Wariyaha ay xereen Ciidamada Soomaaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News