Baydhabo(KAAB TV) -Wariye Maslax Raage oo ka howlgalla warbaahinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa in will dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdiyey Maad-guud uu ku dilay Magaalada Baydhabo oo qiyaas ahaan 250km dhanka koonfur galbeed Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid kadib markii uu Wariye Maslax iyo Cabdiyeey uu soo kala dhex galay murun salka ku haya umuur ama sab, iyadoona dhacdadan ay la yaab ku noqotay Bulshada qeybaheeda kala duwan.
Lama ogga halka uu ku dambeeyo wariyaha dilka geystay, waxaana goobta soo gaaray sida la sheegay Ciidanka Booliska Maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo bilaabay baaritaano la xiriira dhacdadan.
Qoyska marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka dalbaday Maamulka Koonfur Galbeed ay soo qabtaan ninkii dilay wiilkooda.
Ehelladan oo dareen murugo laga dheehan karay wajigooda ayaa sheegay in wiilkoodu ahaa mid uu qoyskoodu ku tiirsanaa, islamarkaana uu ifka uga tagay hal cunug.
Ugu dambeyn, waxay ka dalbadeen Maamulka Koonfur Galbeed in dilaaga laga horkeeno cadaaladda islamarkaana xukun dil ah lagu fuliyo sida ugu dhaqsiyaha badan.