Wariye ruugcaddaa Maxamuud Cabdi Ducaale oo ku geeriyooday London

|

Waxaa habeenkii Jimcaha ee 17 July 2026 magaalada London ku geeriyooday Alle ha u naxariistee weriyihii ruug-caddaaga ahaa Maxamuud Cabdi Cali (Ducaale), oo ka mid ahaa saxafiyiintii magaca ku lahaa warbaahinta Soomaalida, gaar ahaan Laanta Afka Soomaaliga ee BBC.

Geerida Marxuum Ducaale ayaa timid kadib xannuun uu muddo la ildarnaa, isagoo ku jiray isbitaal ku yaalla magaalada London.

Geeridiisa ayaa ku soo beegantay xilli uu dhowaan dib ugu laabtay Britain, kadib safar uu ku tegay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Maxamuud Cabdi Cali (Ducaale) waxa uu ka mid ahaa wariyeyaashii BBC-da Afka Soomaaliga ee si weyn uga waramay dhacdooyinkii waaweynaa ee Soomaaliya.

Wuxuu si gaar ah u tebiyay duqeymihii ay ciidamada cirka ee dowladdii Soomaaliya ka geysteen magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera sannadkii 1988-kii, xilligii dagaallada u dhexeeyay dowladdii militariga ahayd ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo jabhaddii SNM, oo markaas ka dagaallamaysay gobollada waqooyi.

WAREYSIGII MAXAMED CALI SAMATAR

Maxamuud ayaa intii ay duqeymaha diyaaradeed ee dowladdii Soomaaliya ku qaadday magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Bebera ay socdeen wuxuu wareysi uu ka qaaday Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Cali Samatar ahaana Madaxweyne ku Xigeen, kaas oo qiray in dowladda Soomaaliya ay duqeysay magaalada Hargeysa.

Sida ay dad badani sheegeen wareysigaasi ayaa noqday kii ugu horreeyay ee qurasho ah ee ay dowladda Soomaaliya ku qiratay duqeynta dadka rayidka ee ku noolaa Hargeysa, Berbera iyo Burco.

Wareysigaasi ayaa sidoo kale keenay in hay’adaha xuquuqda aadanaha ee caalamiga u adeegsadaan warbixinadooda caddeymaha tacaddiyadii ay geysatay xukuumaddii Siyaad Barre.

Ka hor burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, Marxuum Ducaale wuxuu ka soo shaqeeyay Radio Hargeysa iyo Radio Muqdisho, isagoo markii dambe ku biiray BBC-da Afka Soomaaliga, halkaas oo uu muddo dheer ka ahaa wariye iyo weriye khibrad leh oo si weyn loogu qaddarin jiray xirfaddiisa.

Sannadihii u dambeeyay ee ay weli jirtay dowladdii Soomaaliya ayuu Ducaale isaga tagay Soomaaliya, isaga oo markaasi magangelyo weydiistay dowladda Ingiriiska ka dib markuu u dulqaadan waayey cadaadiskii ay xukuumadda militariga ku hayeen dadka kasoo jeeda gobollada Waqooyi.

Inkastoo uu degganaa magaalada London, tobankii sano ee ugu dambeeyay wuxuu inta badan ku noolaa magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ka sii waday shaqadiisa warbaahineed.

Wuxuu ka soo shaqeeyay Horn Cable TV iyo xarun ay ku mideysan yihiin telefishannada Somaliland, isagoo sii watay doorkiisa tabinta wararka iyo horumarinta mihnadda saxaafadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamuud Cabdi Cali (Ducaale).

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayuu madaxweynuhu tacsi ugu diray qoyska, ehelada, bahda saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa ku tilmaamay Marxuum Ducaale inuu ahaa wariye sumcad iyo saameyn weyn ku lahaa mihnadda saxaafadda, isla markaana door muuqda ka qaatay horumarinta weriyenimada, hal-abuurka warbaahinta iyo gudbinta xog sugan oo sax ah.

Wuxuu Alle SWT uga baryay inuu u naxariisto Marxuumka, dambigiisana dhaafo, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa, isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisa iyo bahda saxaafadda Soomaaliyeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News