Warka Habeen ee Kaab TV 23/07/2026

|

Ku soo dhowaada warka caawa ee Kaab TV.  Waa habeen Khamiis, 23/07/2026.

Qodobada ugu waaweyn ee wararka caawa:

  • Ciidamada taageersan Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in sarkaal ka goostay uu la baxsaday gaadiid dagaal, iyagoo sidoo kale ku dhawaaqay in ay qorsheynayaan qabsashada magaalada Baydhabo.
  • Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa mar kale ku adkeeyey in gobolka Sool uu ka tirsan yahay Somaliland, isagoo ugu baaqay bulshada gobolka in la soo dhoweeyo, isla markaana cabashooyinka lagu xalliyo wada-hadal iyo heshiis.
  • Puntland ayaa xoojisay amniga magaalooyinkeeda kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ay gaareen magaalada Gaalkacyo.
  • Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay weerareen isla markaana gubeen markab shidaal oo ay leedahay Sacuudi Carabiya, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha Badda Cas.
  • Dowladda Zambia ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay tahriibeyaal Soomaali ah, iyadoo baaritaanno ku saabsan socdaalkooda ay weli socdaan.
  • Itoobiyaan wata baasaboorka Soomaaliya oo hub sharci darro ;agu qabtay dalka Koonfur Afrika.

Faahfaahinta wararkan iyo kuwo kale oo muhiim ah waxaad ku arki doontaan warka caawa ee Kaab TV. Nala soco.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News