Ankara (KAAB TV) – Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa sheegtay in maanta qarax lala beegsaday meel udhow xarunta baarlamaanka dalka Turkiga weerarkaas oo ay kudhaawacmeen labo askari oo boliis.
Sidoo kale, qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa isku soo xiray qof naftiisa haliga ah kaas oo isku soo xiray walxaha qarxa sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga.
Dhanka kale, Wasaaradda ayaa sheegtay in qaraxa ay fuliyeen labo qofood labadan qofood ayaa goobta uu qaraxa kadhacay kuyimaaday gaari afka hore ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi saacadu marka ay aheyd 9:30.
Goobta qaraxa lala beegsaday ayaa lafilaayay maanta in ey martigaliso dhowr wasaaradood iyo baarlamaanka taasi oo lafilayay in maanta kalfadhiyadiisa ey kabilowdaan madaxweyne Erdogan sida ay qortay Warbaahinta dalka Turkiga.